Taliyeyaasha qeybta boliiska gobolka baay oo ka hadley sugida amniga doorashooyinka

0
233

Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Gaashanle Sare Amiin Maxamed Cusmaan (Daruur) ayaa shir gudoomiyey Shirka Guddiga farsamada Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa looga hadley shirka qorshaha Ciidanka Booliska 2027 iyo Qorshaha Sugidda Amniga Doorashooyinka ka dhacaya degaannada Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM iyo kuwa Koonfur Galbeed oo kulanka joob joog ka ahaa ayaa waxaa ay taliyaha warbixin ka siiyeen xaaladda amniga ee degaannada Koonfur Galbeed.

Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Gaashanle Sare Amiin Maxamed Cusmaan (Daruur) ayaa faray dhamaan saraakiisha Ciidamada in la dardar geliyo howlaha sugida Amniga degaannada ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal.