
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa faahfaahin ka bixiyay buuqii iyo fowdadii Xalay ka dhacday hoolka ay ka socotay doorashada Aqalka sare ee magaalada Jowhar.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in maanta la dhameystiri doono doorashada kursigii xalay fowdad iyo buuqa kusoo idlaaday iyo waliba labada kursi ee kale ee ka dhineed sideeda kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.
Doorashada Hirshabeelle ee kuraasta Aqalka sare ayaa afartii kursi ee ugu horeysay waxay ku dhaceen hanaan buuq la’aan ah, waxaana soo baxayay waxii ka dambeyay cabasho ka imaaneysay qaar ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare, iyadoo ay jirto Musharaxiin Muqdisho dib ugu laabtay oo shaaciyay in kursiga ay ku tartami lahayeen ay soo faragaliyeen madaxda Hirshabeelle.