
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku boorriyay hoggaamiyeyaasha dowladda Soomaaliya ee is-khilaafsan inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal ayna mudnaanta koowaad siiyaan qabashada doorashooyinka qaran ee muddada dheer dib u dhacu ku yimid.
Guddiga 15 ka xubnood ayaa bayaan ay soo saareen Sabtidii waxay sidoo kale ugu baaqeen dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada inay hubiyaan in wixii khilaafaad siyaasadeed ah uusan ka weecin dagaalka ka dhan ah Al-shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.
Qoraalka golaha ammaanka ayaa daba socday wadatashiyo deg -deg ah oo Jimcihii laga yeeshay xiisadda siyaasadeed ee sii xumaanaysa ee Soomaaliya, taas oo kor u qaadday welwelka gobolka iyo kan caalamiga ah ee ku aaddan in Soomaaliya ay wajihi karto xasillooni darro hor leh.
Af -hayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in iyadoo lagu jiro sannad guuradii koowaad ee heshiiskii 17 -kii Sebtembar, ay Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda caalamiga ah aad uga walaacsan yihiin in uu sii kordho khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha
