Gudoomiyaha degmada marka oo kulan la qaatey taliyeyaasha amisom ee ka howl gala shabelaha hoose

0
361

Guddoomiyaha Degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ahha Gudoomiyaha gudiga Amniga Gobolka Shabellaha hoose ayaa Maanta kulan la qaatey Taliyaasha ugu sareeya Ciidanka Amisom ee ka howlgalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulankan oo ka dhacay Xerada Ciidamada (UPDF) ayaa Gudoomiye Waafow waxaa si gaar ah ula qaatey taliyeyaaaha Ciidamada AMISOM ee Magaalada Marka degaannada Nambar Konton iyo Ceeljaale, kuwaas oo kasoo laabtay safar ay ugu maqnaayeen dalka Uganda.

Gudoomiyaha Magaalada Marka ayaa Saraakiisha Ciidamada AMISOM kala hadley xaaladda Amniga guud ee gobolka shebellaha Hoose oo mararka qaar ay ka dhacaan dagaalo u dhaxeeyo Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Magaalada Marka Col Peter Angufibo Garr ayaa sheegey in muhiimad gaar ah u leedahay wadashaqeynta Gudoomiyaha kala dhexeyso, isla markaana ay siwadajir ah u wada sugi doonaan Amniga.