
Madaxda maamul goboleedyada dalka oo xalay kulan ku yeeshay aaladda fogaan araga ee Zoom-ka, ayaa kawada hadlay xaalada cakiran ee u dhaxeysa madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.
Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa ugu baaqay labada masuul iney joojiyaan warqadaha kasoo baxaya xafiisyadooda, ayna ku dhaqmaan Dastuurka dalka u yaalo si meesha uga baxdo khilaafka adag ee ragaadiyay labada masuul.
