
Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay qoraalkii kasoo baxay xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee lagu shaaciyay in la hakiyay awoodahii Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Golaha Midowga Musharaxiinta waxay Warsaxafadeed ay soo saareen ku sheegeen in qoraalkii uu soo saaray Farmaajo uu ahaa mid abuuraya qalalaase amni iyo xasarad siyaasadeed oo halis galin karta qaranimada Soomaaliya, isla mar ahaantaana qoraalka uu soo saaray cadeyn u yahay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uusan wali ka quusan damaciisa ahaa mudo kororsi.


