
Guddoomiyaha Degmada Marka ahna gudoomiyaha gudiga amniga gobolka Shabellaha Hoose Cabdulalahi Cali Axmed Waafow ayaa shir la qaatey Saraakiisha ugu sareyso Ciidanka AMISOM ee degaanka lambar konton iyo Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Shirka ayaa si wadajir u shir gudoomiyeen Gudoomiyaha iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca Ugandha ee UPDF ee degaankaas Maj Godfrey rwija ayaa waxaa diirada lagu saaray Amniga Magaalada Marka iyo degaannada kale.
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidanka dowladda oo isugu jiray horinta gurmadka 14 Octoober, Saraakiil Ciidanka Gor-gor ku socotay iyo Saraakiisha Ciidanka ilaalada degaanka
Gudoomiye Waafow iyo Taliye Rwija ayaa Saraakiisha Ciidanka dowladda ka dhageysteen xogaha amni ee ay haayaan iyo taatikooyinka loo dajin karo howlgallada la fulin doono.
Maj Godfrey rwija ayaa Ciidanka kula dardaarmey kala danbeynta iyo u dhimashada Qarannimadooda Soomaaliya iyo sido kale sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose.