Ciidamo ka wada tirsan dowlada oo ku dagaalamay agagaarka isgoyska banaadir

0
221

Dagaalkan ayaa ah mid xoogan oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka socda agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo Booliis ah iyo kuwa Militari ah ayaa la sheegaya iney ku dagaalamayaan agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegayo iney isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu salka ku haayo murum la xiriira lahaansho dhuleed oo mudooyinkii dambe soo jiitamaayay, waxaana la sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Booliiska iyo Militariga Soomaaliya.