Sanater Muuse Suudi Yalaxow oo ku guuleystey doorashadii kursiga aqalka sare

0
139

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku guuleystay kursiga 1-aad ee doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle oo ka socota magaalada Jowhar, ee xarunta maamulkaas.

Senator Muuse Suudi ayaa ka guuleystay Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo wareega labaad ay isugu soo hareen, kadib markii seddaxdii musharax ee kale ay ku hareen wareegii koowaad. Muuse Suudi ayaa helay 55 cod, halka Axmed Daaci uu ka helay 43 cod.

Xubnaha wareegii koowaad ku haray waxaa kamid ah Cabdullahi Sheekh Xasan oo la sheegay inuu ahaa musharaxii ay wadatay Villa Somalia, waxuuna helay 15-cod oo kaliya, taasi oo muujisay sida reer HirShabeelle ay isaga diideen Villa Somalia.