Qaramada midoobey oo cambaareysay qaraxii shaley ka dhacay degmada wadajir

0
174

Qoraal ay soo saartay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed ayey ku cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay talaadadii ka dhacay Muqdisho.

Waxay warkeeda intaas raacisey inay QM taageereyso Soomaaliya sidii Amniga iyo Dawlad dhiska ka garab joogayaan,waxaana Aamina ay bogaadisey hormarka & Dawladnimada heerka ay gaartay Soomaaliya.

Al Shabaab oo sheegtay qaraxii shalay ka dhacay degmada Wadajir meel ku dhaw Xerada General Dhega badan ee ciidamada lagu tababaro ayaa waxay sheegeen in 11 Askari ku dileen ismiidaamintaasi 16 kalena ay ku dhaawaceen sida ay warka udhigeen.

R/wasaare Rooble,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale ayaa qoraalo ay soo saareen waxay tacsi ugu direen Shacabkii lagu dilay qaraxaasi.