
War hadda inaga soo gaaray magalada muqdisho ayaa sheegay in uu qarax ka dhacay meel u dhow albaab laga galo xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Siada la sheegayo qaraxani ayaa ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan inta u dhaxeeysa bar kontorool oo laga galo Xalane iyo xerada Jeneraal Gordon.
Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal, waxaa qaraxa lala beegsaday maqaayad ku dhow meel lagu qaado canshuurta dowlada hoose, balse weli ma cadda nooca uu ahaa qaraxa, inkasta oo warar horudhac ah ay sheegayaan inuu ahaa is-miidaamin.
Weli lama oga qasaaraha dhacbta ah ee ka dhashey qaraxan maadaama uu ka dhacay meel ay ku sugnaayeen dad shacab ah.