
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka, xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo u dhacay hab fogaan arag ah ayaa Rooble wuxuu wakiilada beesha caalamka kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo Madaxweynuhu arrintaas ay isku aragti ka noqdaan.
