
Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ciidamada ugu digay in ay ku milmaan siyaasada, si uusan ugu lumin waqtiga, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne oo ka hadlayay kulan ka dhacay Gaalkacyo ayaa sheegay in markii hore howlgallada Ciidamada ee Gobolka Mudug ay ahaayeen kuwo kala dhan taallan, balse ka maamul ahaan ay iabedel ku saneeyeen.
Waxaa uu sheegay in hadda Ciidamada Puntland ee ka howlgalla Gobolka Mudug ay yihiin kuwo wadashaqeeya, sidoo kalena looga baahan yahay inay tallaabo deg deg ah ka qaadaan dadka falalka Amni darro kanl geysta degaannada Gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid siweyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in dowlad iyo Shacaba halkaasi laga sii wado halganka oo wadajir loola diriro argagixisada.
