Wasiirka amniga oo ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyey

0
219

Wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hor-yimid xil ka qaadistii uu xaley ku sameeyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sheegay in Rooble uu yahay ‘xil-gaarsiiye, balse uusan aheyn xil ka qaade.’

Waxa uu intaas ku daray “PM Rooble, waxa aan isku ogeyn in dalka qalalaasa dambe laga ilaaliyo, haddasa – nasiib daro – asaga ayaa [kaligiis] go’aansaday in uu dalka qalalaasa cusub geliyo!”

Dhanka kale madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Xundubey ay saaxiibo dhaw ahaayeen ayaa qoraal uu soo saaray ku diiday xil ka waadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Xasan Xundubey.

Farmaajo ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxa uu ku yiri, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan. Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.”