Kulanka golaha wadatashiga qaranka oo galay maalintiisa labaad

0
183

Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhaxeeya Raysal wasaaraha Soomaaliya madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan oo si rasmi ah u furmay shalay ayaa maanta waxay madaxda uga hadli doonaan howlaha dhameystirka doorashooyinka dalka sidii loo dardar gelin lahaa iyo wali sidii loo raadin lahaa dhaqaalaha ku baxaya doorashada dalka.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxaayay warar sheegaya in maamul goboleedyada qaar ay doonayaan in doorashada Golaha Shacabka lagu soo koobo hal Magaalo iyo in la dhimo tirada Ergada dooraneysa Golaha Shacabka, halka kuwa qaar ay kasoo horjeedaan, taas oo la filayo in la isla soo hadal qaado maanta.