
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose ku dileen 60 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, oo ay ku jiraan laba taliye sare.
Hawlgalkan ayaa galinkii dambe ee jimcihii ka dhacay duleedka tuulooyinka Sabib iyo Caanoole ee Shabeellada hoose.
Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii kooxda Alshabaab ay soo weerartay xeryo ciidan oo ku yaal Caanoole, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo la hadlay Wakaaladda wararka ee Anadolu.
Hawlgallada ayaa sidoo kale lagu burburiyay 20 goobood oo ay ku dhuumaaleysanayeen Alshabaab iyo afar baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxaana lagu xoreeyay shan magaalo iyo 16 tuulo.
