Degmada afgooye oo aan maanta ka socon wax ganacsi ah

0
1067

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay xiran yihiin inta badan Goobaha Ganacsiga ee ku yaal halkaas, iyada oo ay xiisad ka kajirto.

Sababaha Goobaha Ganacsiga Afgooye Maanta u xiran yihiin ayaa waxaa lagu sheegay in uu salka ku hayo bananbax shaleyto iyo daraadka ka socdey degmada afgooye.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirney ayaa inoo sheegay in shacabka iyo ganacsatada degmada ay ka careysan yihiin burburin la sheegay in la doonayo in lagu sameeyo Guryo ku yaal Xaafada waanjeel ee ku taal Waaxda 21 Octoober ee Degmada Afgooye.

Maamulka degmada Afgooye iyo laamaha Amniga degmadaas weli kama hadlin xiisadaan, waxaana qaar kamid ah dadka ku nool degmada Afgooye ay sheegayaan in shacabka degmada afgooye ay ka go,an tahay in ay dhulkoda ka difaacdaan cid walba oo isku soo deyda.