Qaar ka tirsan jaamacahada ka furan magalada muqdisho oo la xeri doono

0
286

Wasaaraddeeda waxbarashada ayaa shaacisay in diyaarisay nidaam gaar ah oo loogu tala-galay in la marsiiyo jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka, si loo hubiyo xagga tayadooda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) oo ka hadlayey arrimaha waxbarashada ayaa sheegay in nidaamka ay diyaariyeen ka wasaarad ahaan ay dhowaan gaarsiin doonaan jaamacadaha, ka hor doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay xirmi jaamacadaha qaar, gaar ahaan kuwa aan buuxin nidaamkaas iyo shuruudaha ay dajisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Cabdullaahi Carab ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in muhiimaddu ay tahay in ardayda Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho heer sare ah, isla-markaana tayo leh.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda jaamacadaha dalka inay ku dadaallaan tayada casharada iyo horumarinta maadooyinka ay dhigaan, si ay ardayda uga faa’iideystaan.