
Shirka golaha wadatashiga Qaranka oo uu Shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka furmay Muqdisho.
Shirkan ayaa looga hadlayaa diyaarinta hab-raacyada doorashada Golaha Shacabka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.
Raysal wasaare Rooble ayaan ka jawaabin baaqii midowga musharraxiinta Soomaaliya, ee ahaa in lagasoo qeyb galiyo shirkaan, kaddib markii ay walaac ka muujiyeen hannaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka aqalka sare.
Guddiga doorashooyinka ayaa dhawaan soo saaray hab-raaca lagu maamulayo doorashooyinka aqalka hoose, waxayna dadku isweydiinayaan sababta golaha wadatashigu usoo saarayo hab-raac doorasho oo aan ahayn midka guddigu soo saaray.
