
Maanta ayaa qorshuhu ahaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Bamaasir, hayeeshee uu shirka dib u dhacay.
15-kii Bishaan ayaa Shir ay Khadka Internetka ee (Zoomka) ku yeesheen ayaa lagu go’aamiyay in shirka uu qabsoomo Khamiista Maanta ah, balse uu dib ugu dhacay sababo la xiriira Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka Masar ku maqan & Madaxda Maamul Goboleedyada oo aan weli imaan Magaalada Muqdisho.
Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo maalmaha soo socda qabsoomaya ayaa diirada lagu saarayaa u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.
