
Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa degaanka Shabeelow oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo shalay gelinkii dambe ay ku dagaalameen Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana uu ka dambeeyay kadib markii ay Al-Shabaab weerareen degaanka Shabeellow.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa qiray in saraakiil ka tirsan Galmudug ay dagaalka ku dhinteen, waxaana uu sheegay inay Al-Shabaab degaanka weerarka kusoo qaadeen.
Wasiirka oo la hadlay Voa-da ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada ay dagaalka khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay weli ku raad joogaan Xubnaha Al-Shabaab ee Ciidamada weerarka kusoo qaaday.