
Tababarkaan oo muddo Saddex Maalin ah Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shaeelle uga socday Ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle ayaa la soo geba-gabeeyay, iyada oo ay bixinayeen saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM.
Tababarka ayaa ku saabsanaa amniga doorashada, waxaana uu ka dambeeyay kadib markii ay bateen baaqyada ku saabsanin booliska si buuxda loo tababaro loona qalabeeyo si ay si habsami leh ugu maareeyaan amniga doorashooyinka dalka.
Tababarkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo gacan ka helaysa Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ee (UNDP).
Maxamed Yuusuf Axmed oo ka mid ah saraakiisha booliiska Hirshabeelle ee tababarka la siiyay ayaa sheegay inuu helay casharo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sida loo maareeyo amniga doorashada, tallaabooyinka xakamaynta dadka, sugidda goobaha iyo ilaalinta hufnaanta hannaanka doorashada.