Reysulwasaaraha oo kulan la qaatey dhigiisa dalka masar

0
157

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku joogo dalka Masar ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada.

Rooble iyo wafdigiisa ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli oo ay wehelinayeen Wasiirrada Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Masar Saddex qodob oo muhiim ah oo kala ah:

Labada dhinac waxa ay iska xogwareysteen muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee dhaxeeya labada dal, iyadoo Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli uu bogaadiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha doorashooyinka dalka.

Booqashada rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku joogaan dalka Masar ayaa qaadanaysa muddo 3 maalmood ah, taas oo kulamo kala duwan uu la qaadanayo madaxda iyo masuuliyiinta ugu sarreysa dalkaas.