
Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay munaasabad u sameeyey Senataradii lagu doortay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay qaabka ay ku billowdeen doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Ugu horreyn Lafta Gareen ayaa dardaaran u jeediyey sideeda Senatar ee Koonfur Galbeed ku metalaya Aqalka Sare, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee dalka, siiba tan deegaanada maamulkaasi, maadaama ay ku metalayaan dowladda dhexe.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Senatarada lasoo doortay ay yihiin kuwa xul ah, isla-markaana leh aqoon durugsan, sidoo kalena isugu jiro dhalinyaro, dadweyn & gabdho.
Dhinaca kale Lafta Gareen oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaliilay qaabka markii hore loo dhisay Aqalka Sare, wuxuuna shaacaiyey in loo maray si degdeg ah oo aan laga fiirsan.
Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa xusay inay aheyd in saddex qorshe lagu cabbiro balse middood laguma saleyn, sida uu hadalka u dhigay