Dhowr madaafiic oo lagu garaacay garoonka shaati gaduuduud magalada baydhaba

0
255

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa warbaahinta waxaa ay u sheegeen in ay maqlayeen jugta madaafiicda, kuwaas oo ku dhacay Xaafada ku dhow dhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM kuna sugan Garoonka diyaaradsha Magaalada Baydhabo ay dhankooda madaafiic dhowr ah ugu jawaabeen Xubnaha Al-Shabaab ee weerarka madaafiicda ah kusoo qaaday.