
Guddiga hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa ka hadlay natiijada doorashada Aqalka Sare ee maalintii shalay ka dhacday Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, iyadoo lagu doortay 6 sanator oo kala ah:- 1. Saciid Siyaad Shirwac 2. Yuusuf Geelle Ugaas 3. Cabdi Axmed Dhuxulow 4. Samsam Daahir Maxamuud 5. Cabdixakiim Macallin Axmed 6. Duniyo Maxamed Cali.
Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in loo baahnaa in la tartamo oo tanaasul la’aan ay codeyntu u dhacdo, balse wuxuu soo dhoweeyay in qoondada haweenka la ilaaliyay oo labo dumar ah ay soo baxeen doorashadii shalay.

