
Waxaa haatan kulan uga socdaa hoteelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho Midowga Musharixiinta & Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Ciro, kaas oo ay kala hadlayaan arrimaha doorashooyinka.
Kulanka oo ah mid wadatashi ah ayaa waxaa diirada si gaar ah loogu saarayaa walaaca ay Midowga musharixiinta ka muujinayaan hanaanka ay ku bilawdeen doorashooyinka Aqalka sare iyo in laga hortago in doorashada Aqalka Hoose ay la mid noqoto sida mida Aqalka Sare.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa kulanka goobjoog ka ah, waxaana labada dhinac ay is dhaafsanayaan talooyin ku aadan qabsoomida doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo in doorashooynka ay noqdaan kuwo xur iyo xalaal ah.