
Ergeyga Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo warbixin kooban siinayay Golaha Ammaanka ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya.
Swan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu muujiyay hogaamiyenimo, isagoo kullamo wada tashi oo joogta ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada si loo hirgeliyo heshiiskii doorashada.
Waxa uu u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ay ka bilaabatay maamul goboleedyada.
Swan ayaa intaas ku daray in kastoo guulo la taaban karo la gaaray, haddana loo baahan yahay in la xoojiyo ammaanka doorashada, oo uu sheegay in si gaar ah uu uga welwel sanyahay.
Waxa uu sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in la xaqiijiyo qoondada kuraasta ee dumarka, dhallinyarada, iyo dadka la takooro oo laga qeyb geliyo siyaasadda.
James Swan ayaa booriyay in caqabada mustaqbalka ka hor imaan kara doorashadan loo baahanyahay in lagu xaliyo si xasiloon iyo wada-hadal ku dhisan ismaqal.
