Howlgalo dhalinyaro badan lagu soo qabqabtey oo laga sameeyey degmada walaweyn

0
169

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay howlgalo ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ay horkacayeen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa Ciidamadu ka sameeyeen tuulooyinka u dhow degmada Walanweyn, waxaana howlgalka uu ahaa mid wadooyinka iyo guryaha qaar laga sameeynayay.

Inta lagu gudi jiray howlgalkaasi amni ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabqabtay dhalinyaro aad u tira badan si loo xaqiijiyo xaalada amni ee guud ahaan Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay in la xaqiijiyo amniga lagana sifeeyo Al-Shabaab lana dardar gelinaayo howlaha hor yaalla Maamulada Degmooyiinka iyo Deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose.