Maxamed Xaaji Mukhtaar oo loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee degmada walaweyn

0
123

Mamulka koonfur galbeed ayaa gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada degmada walaweyn usoo magacaabay Maxamed Xaaji Muqkhtaar oo ka trsanaa dhalinyarada sida aadka ah ugu howlaneyd wax ka bedelka bilicda iyo nabad gelyada degmada walweyn.

Maxamed ayaa kolkii la magacaabay kadib isaga oo la hadlaya qaar katirsan shacabka degmada walaweyn u balan qaadey in uu ka shaqeyn doono daboolida baahida ay qabaan bulshada ku dhaqan degmada walweyn wuxuuna shacabka ka codsadey inay kala shaqeeyaan sidii loosoo celin lahaa nabad gelyada iyo bilicda degmada.

Dhawaan ayey eheyd kolkii uu maamulka koonfur galbeed degmada walweyn usoo magacaabay Gudoomiye, ku xigeenka dhaqaalaha iyo ku xigeenka arimaha bulshada, balse dhowr isbuuc ka dib hadana isbedel lagu sameeyey kuxigeenkii arimaha bulshada.

Shacabka degmada ayaa aad usoo dhaweeyey isbedelkan cusub ee lagu sameeyey maamulka degmada maadaama maamulka ay dhamaantood yihiin dhalinyaro hami iyo dadaal badan ka muuqdo isla markaana looga baahan yahay inay sara u qaadaan bilicda iyo nabadgelyada degmada.