Baarlamaanka puntland oo doortey xildhibaanada aqalka sare u mateli laheyd maamulka puntland

0
197

Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu qabtay doorashada 11- Senatar ee ka imaanaya dhanka Puntland, waxaana golaha wakiilada maamulkaas ay doorteen xildhibaankii ugu horreeeyey Puntland ee Golaha Aqalka Sare

Doorashada kursigii ugu horreeyey Senatarada Puntland ee la qabtay ee ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) oo markale difaacday kursigiisa.

Faroole ayaa noqday Senatarkii ugu horreeyey ee ka soo baxa dhanka Puntland, waxaana la tartamay musharrax Maxamed Cismaan Colaad oo laga adkaaday.

Sidoo kale kuraasta kale ayaa doorashadooda loo qabtay qaab codeyn gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen qaar ka mid ah musharraxiinta tartami ahaa, waxaana doorashada ku soo baxay illaa 11 musharrax oo Puntland ku metalaya Aqalka Sare waxana kala yihiin:

1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
2- Maxamed Cali Yuusuf Gagaab
3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino)
4- Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)
5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan).
6- Daahir Ayaanle Siciid
7- Farxaan Cali Xuseen
8- Saynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye)
9- Cabdiqani Geelle Maxamed
10-Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad
11-Sareedo Maxamed Xasan (Jeyte).

Puntland ayaa noqotay maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo doorashadaas bilaabay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.