Garoonka diyaaradaha ee magalada baydhaba oo laga dhex dhisay xabsi loogu tala galey mucaaradka

0
289

Dhowaan waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay laga dhisay xabsi ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada, kaasoo ay soo baxayaan warar dheeraad ah oo ku saabsan ujeedada laga leeyahay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo xubno kamid ah hay’adaha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu jiro xabsigaas, islamarkaana loo qorsheeyay in lagu xiro dadka kasoo daga garoonka iyo kuwa ka duulaya ee maamulka u arko in ay halis ku yihiin ammaanka.

Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta gudaha Muqdisho u xaqiijiyay jiritaanka xabsiga iyo walaaca ay qabaan Murashaxiinta mucaaradka ah.

Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay maamul aad u caburiya dadka aan ku aragtida aheyn hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.