
AMISOM ayaa sheegtay inay bilowday baaritaan ku aadan dhacdadii tuulada Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, kaddib markii lagu eedeeyay askartooda in ay si bareer ah u laayeen dad shacab ah oo aan waxba galafsan.
War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM, ayaa lagu sheegay, in askar ka tirsan AMISOM ay weerar kala kulmeen Alshabaab xilli ay ku jireen roondo ay ka sugayeen ammaanka waddooyinka Sahayda ee ku teedsan tuulada Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.
AMISOM waxay sheegtay in ay heshay warar sheegaya in dad rayid ah nolashooda ku waayeen howlgalkooda, waxayna hoosta ka xarriiqday sida waafaqsan sharciga caalamiga ah ee Bani -aadamnimada iyo xuquuqda Aadanaha, in ay bilowday baaritaan qoto dheer oo ku saabsan dhacdada lagu eedeeyay.

