Reysulwasaraha oo sheegay in la xaliyey khilaafkii u dhexeeyey asaga iyo madaxweynaha

0
155

Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in heshiis laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweyne Farmaajo, oo ku kala aragti duwanaaday wada xaajoodka xukuumada.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay, in iyagoo isku duuban oo wada socda ay dalka gaarsiiyaan doorasho nabad ah oo xasilooni ku jirto.

Raysal wasaare Rooble wuxuu tilmaamay in aanay wax carqalad ka dhalan warqadihii iskasoo horjeeday ee ay soo kala saareen madaxweynaha iyo isaga, wuxuuna tilmaamay in ay waajib tahay in la wada shaqeeyo oo marxalad looga gudbo isku duubni.

Raysal wasaaruhu mar uu ka hadlayay safarkiisa Kenya, wuxuu sheegay in aanay ujeedadu ahayn inuu saxiixo heshiis, balse uu doonayo inuu hagaajiyo xiriirka labada dal ee xumaaday.