Reysulwasaare Rooble oo saaka u ambabaxay dallka kenya

0
182

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa safarkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay waddanka Kenya, gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Mombasa, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah wafdiga Ra’isul Wasaare Rooble ayaa saxaafadda u sheegay in ajandaha shirka Rooble iyo madaxda Kenya aysan ku jirin kiiska dacwada badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Shirka Mombasa kadib, wuxuu Rooble sidoo kale safar ku tagi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi, diblomaasiyiinta dalalka daneeyaa arrimaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta saxafaaradda Soomaaliya ee Kenya.