
Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay guddiga qabshada doorashada aqalka Sare ee baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee Puntland.
Guddiga la magaacaabay oo ka kooban shan xubnood ayaa waxay ka yimaadeen xildhibaanada Puntland, waxayna qaban qaabinayaan doorashada aqalka sare.
Guddoomiyaha barlamaanka ayaa ku wargaliyay guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee la qaban doono taariikkhda maray tahay 11/08/2021.

