Gudoomiyaha gobolka banaadir oo maanta kulan la qaatey safiirka dalka qadar

0
135

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamza Assad,

War kasoo baxay Maamulka Gobolka ayaa waxaa lagu sheegay in Ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la xariira mashaariicda lagu horumarinaayo dhismaha Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii safaarada Qatar u heli laheyd dhul ay ka hirgaliso dhismaha cusub ee Safaarada Dowlada Qatar ku lee dahay Soomaaliya Maadaama haatan si ku meel gaar ah dhul kale ugu shaqeyso.