
Gudoomiyaha Xisbiga himilo qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ka hadlay Arimo la isla dhexmarayey saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada.
Shariifka ayaa beeniyey wararka sheegaya in murashaxiinta qaar ay isku tanaasuleen oo ay qaar ka laabteen hankoodii xildoonka ahaa.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU SOO SAARAY SHARIIFKA
Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay.
Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar.
