Gudiga amniga galmudug oo soo saarey sharciyo cusub oo lagu sugayo amniga

0
233

Shir jaraa’id oo maanta magaalada Dhuusomareeb ay ku qabteen Guddiga amniga Galmudug ayaa waxa ay awaamiir ka soo saareen amniga deegaanada Maamulka gaar ahaan amniga Magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa mamnuucay gaadiidka iyo hubka sida sharci darrada ah loogu dhex heysto Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, ayna hubka ku heysan karaa oo kaliya Ciidanka amniga, maadama ciidan ay wataan siyaasiyiin iyo Xildhibaano ay dhex ceegaagaan magaalada Dhuusomareeb.

Dhanka kale waxaa la faray Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka in aysan rasaas ku dhex ridi karin Magaalooyinka doorashada, isla markaana Askari hubeysan uusan ku dhex lugeyn karin marka laga reebo Ciidanka sugaya amniga doorashada gaar ahaan kuwa loo xil saaray.

Waxaa dhinaca kale Galmudug ay mamnuucday in gaadiid dagaal iyo hub aan fasax looga heysan Maamulka laga soo dejiyo Garoomada diyaaradaha Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, sidoo kalena aan la aqbali doonin Ciidamo si sharci darro hub u heysta kuwaa oo shaqsiyaad taageero ka heysta.