Maamulka galmudug oo magacaabay gudiga doorashooyinka aqalka sare

0
219

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa xalay magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee BFS.

Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Gacal ayaa ka kooban 12 xubnood waxayna iska dhex dooran doonaan guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Xubnahan ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Galmudug u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Galmudug.