Maxkamada ciidamada qeybteeda galmudug oo xukun ku ridey askari

0
176

Maxkamada ciiidamada qalabka sida ee qaybta Galmudug ayaa maanta u fadhiisatay gar-maqalka dacwad ciqaabeed dil ah oo uu ku eedeeysnaa dable Booliis Maxamed Baryare Daahir oo ka tirsan ciidanka booliiska degmada Matabaan kuna eedeeysan dil Matabaan loogu geystay 30/4/2021 marxuum lagu magacaabi jiray ex dable Booliis sharmaake Cilmi Maxamuud.

Daah furka fadhiga maxkamada ayuu gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xasan waydiiyey eedeysanaha jawaabtiisa la xiriirta eeda Xafiiska xeer ilaalinta maxkamada Ciidamada.

Eedeysane dable Booliis Maxamed Baryare Daahir oo ka jawaabayay waydiinta gudoonka maxkamada ayaa sharaxey sida gacantiisa ugu baxey marxuumka geeriyoodey.

Gunaanadka garmaqalka ayaa gudoomiyaha maxamada ciidamada qalabka sida ee qeybta Galmudug G/dhaxe Cabdulaahi Abuukar Xasan oo xiray fadhigan maxkamada, isagoo ku dhawaaqey go’aanka gungaarka dacwada.