Reysulwasaare Rooble oo kulan isugu yeeray xubnaha gudiga doorashoyinka gobolada waqooyi

0
223

Raysal wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isugu yeeray kulan deg deg ah xubnaha guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi.

Kulanka ayaa la sheegay inuu ka dhici doono xafiiska Raysal wasaare Rooble, waxaana lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska wasiiru dowlaha xafiiska Raysal wasaaraha in kulankan uu yahay mid muhiim ah.