
Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo waftdi uu hogaaminayo ayaa saaka u safray magalada baydhaba halkaasi oo lagu wado inay ka bilaabato magacaabista golaha aqalka sare.
Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Baydhabo oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee Senotarada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo maanta ka bilaabmi doonta magaaladda Baydhabo.
Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Xubno la socda ayaa dhawaan magaalada Kismaayo uga qeyb galay doorashada Afar kamid ah kuraasta aqalka sare ee ka imaaneysa degaannada Jubbaland.
Si kastaba arintu ha ahaatee siyaasiyiin badan oo horey uga mid ahaa golaha aqallka sare oo diba la dhigay sanadkan ayaa eedo badan usoo jeediyey hogaamiyaha maamulka cabdicasiis iyaga oo ku eedeeyey inuu gacan bidixeeyey qaabka doorashooyinka