Reysulwasaare dalka somaliya oo kulan la qaatey reysulwasaaraha dalka ingiriiska

0
158

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson kaasoo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul Wasaare Rooble ku weheliyay Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Waxbarashada kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Shirka Caalamiga Waxbarshada ee London.

Dalka ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka safka hore uga jira beesha caalamka marka loo eego caawinta dib u dhiska dalka somaliya.