Axmed Madoobe oo magalada kismaanyo kulan kula qaatey gudiga doorashooyinka

0
208

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Aqalka martida ee Magaalada Kismaayo Gudiyada hirgalinta Doorashooyinka ee kala duwan gudoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ee la doortay.

Madaxweynaha ayaa dhamaan dhinacyadan uga mahad celiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay qabteen maalmihii lasoo dhaafay ee ku aadanaa in Jubbaland ay noqotay maamulki ugu horreeyay ee qabta doorashada Aqalka sare.

Xubnaha Guddiyada doorashooyinka iyo Xildhibaannada Aqalka Sare ee la doortay ayaa dhankooda uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubbaland doorkii weeynaa ee uu ku lahaa qabsomida doorashada iyo heshiiskii laga gaaray doorashada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Xubnaha uu la kulmay ku booriyay in waxyaabaha dhiman iyo shaqooyinka loo baahan yahay inay sii laba jibaaran si arimaha Doorashooyinka ay ugu dhacaan qaab Wanaagsan.