
Guddoomiyaha Gudiga doorashada heer federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland, taasi oo lagu doortay Afar kamid ah Senator-da maamulkaas ee Aqalka Sare.
Guddoomiye Maxamed Cirro oo la hadlay VOA-da ayaa bogaadiyey hanaankii ay u dhacday doorashadaas, isagoona ku tilmaamay “doorasho cajiib ah oo waqti kooban ku qabsoomtay”.
“Meesha dadaal badan ayaa ka muuqday, guddoonka iyo xubnaha baarlamaanka ee doorashada qabanayay aad bey isku abaabuleen, markaa tartanku wuu wanaagsanaa, waxaana cajiib aheyd ugu yaraan in waqti intaa le’eg ay howsha ku qabsoomto farsamo ahaan, sida amaanka loo sugay iyo sida howshu u agaasineed wax qiimo badan ayey aheyd,” ayuu yiri Guddoomiye Ciro
Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada ka dhacday Kismaayo ay tahay billowga doorashooyinka Aqalka Sare, isagoona faray in maamul goboleedyada kale ay deg deg u qabtaan doorashada.
“Doorashadii wey noo dhacday weyna dhameystirmatay, waa waajib hadda saaran (maamul goboleedyada) in deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha Aqalka Sare, waana waajib anagana na saaran.”