
Dagaal u dhexeeyey ciidamada dowlada iyo kuwa alshabaab ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada diinoor ee gobolka baay, Dagaalkaasi oo sida la sheegay geystey qasaaro kala duwan.
Dagaalkan ayaa bilowdey kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladu ku laaheen degmada diinsoor ee Gobolka Baay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.
Dadka degmada Diinsoor qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana ay ku dhaawacmeen laba qof oo Shacab ah kuna sugan degmada Diinsoor, sidoo kale cabsi ay soo wajahaday intii uu socday dagaalka.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii dhacay ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen
