Gudiga doorashooyinka koonfur galbeed oo lafta gareen ka cadsadey inuu soo gudbiyo liiska musharixiinta aqalka sare

0
148

Guddiga doorashooyinka maamulka Koofur Galbeed ayaa codsi u gudbiyay hogaamiyaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen.

Guddiga ayaa Laftagareen ka codsaday inuu soo gudbiyo magacyada xubnaha Musharaxiinta ee ku tartamaya Kuraasta Aqalka Sare ee ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney diyaariyeen goobahii lagu qaban lahaa doorashada kuraasta Aqalka Sare, islamarkaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in si wanaagsan ugu qabsoonto doorashada.