
Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Goboleedka Jubbaland ka bilaabatay doorashada qaar kamid ah xildhibaannada Jubbaland, iyada oo Goordhow la doortay Xildhibaankii ugu horreeyay ee Aqalka Sare.
Munaasabadda doorashada oo ay ku sugan yihiin, Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland, guddiga doorashooyinka Heer Federaal & xalinta khilafaadka doorashooyinka ayaa ilaa 9 Musharax waxaa ay ku tartamayaan Afar kursi oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad.
Kursigii ugu horeeyay ee Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamay Ilyaas Badal Gaboose oo ku guuleystay kursigaas, isaga oo helay 55 Cod halka Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 Cod 1 codna uu halaabay halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharixiinta uusan ka qeyb gelin tartanka doorashada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo natiijada doorashada ku dhawaaqay ayaa sheegay in kurigii ugu horreeyay ee Xildhibaannada aqalka sare uu ku leeyahay maamulka Jubbaland uu ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, isla markaana ay doorashada codeeynayeen 73 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland.
Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamayay Mushatixiinta kala ah Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac,hayeeshee markii la guda galay codeynta uu shaaciyay in uu tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac.
Intaasi kadib Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa cod gacan tag ah waxaa ay ugu codeeyeen in Sanoter Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag uu noqdo Xildhibaanka labada ee Aqalka sare ku matala Jubbaland, waxaana uu helay 71 Cod halka laba mudane ay ka aamuseen.
Doorashada ayaa weli sii socota, waxaana jira xubno loo saadaalinayo inay kusoo baxaan doorashada Aqalka sare ee ka socota Magaalada Kismaayo.