Taliyaha ciidanka difaaca kenya oo sheegay inaysan kol dhow ciidamadooda kala bixi doonin somaliya

0
204

Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya, general Robert Kibochi ayaa sheegay ciidamada Kenya in aysan ka bixi doonin Soomaaliya waqti dhow.

Wareysi uu siiyay KBC, Kibochi wuxuu ku sheegay in Soomaaliya aysan xasilooneyn, ciidamadooda amnigana ay wali u baahan yihiin in laga taageero howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Gen Kibochi, ayaa sidoo kale sheegay in Kenya ay si firfircoon ugala shaqeynayso daneeyayaasha ay ku jirto UN-ka, si loo joojiyo dagaalka sokeeye ee Itoobiya.

Jeneraalka ayaa sheegay in dagaalada sokeeye ee ka socda Itoobiya ay qatar weyn ku yihiin amaanka dalka Kenya.